Ku Saabsan Casaawe Academy
Casaawe Academy waa madal waxbarasho (E-learning) oo casri ah, taas oo si gaar ah loogu naqshadeeyay in kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada iyo bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga. Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in waxbarasho tayo leh oo lagu bixiyo afka hooyo ay tahay wadada ugu haboon ee lagu fahmi karo culuumta casriga ah, laguna dhisi karo mustaqbal sugan oo guul leh.