Casaawe Academy
Baro Xirad Hogaami Mustaqbalka.
Waa maxay Casaawe Academy?
Casaawe Academy waa madal waxbarasho oo casri ah oo loogu talagalay inay dadka Soomaaliyeed lagu baro xirfadaha ugu muhiimsan qarnigan.
Xirfadaha aan bixino waxaa kamid ah Computer-ka Noocyadiisa kala duwan, Graphic Design-ka, Video Editing-ka , Programming languages-ka, Luuqadaha , Xisaabaadka , Caafimaadka iyo kuwo kale oo badan , waxaan bixinaa aqoon ardayga u oggolaanaysa inuu shaqo helo ama isagu shaqo abuuro.
100+
Arday Qalin-jabisay
10+
Koorsooyin Casri ah
24/7
Taageero Joogto ah
Hiigsigayaga (Vision)
Inaan noqono madasha kowaad ee laga barto xirfadaha tignoolajiyada ee Geeska Afrika, annagoo soo saarayna hal-abuuro dunida wax ka bedela.
Hadafkayaga (Mission)
Inaan aqoon tayo leh oo jaban gaadhsiino dhalinyaro kasta oo Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, si ay noloshooda u horumariyaan.